“Lacagtii Saarneyd Diyaarada Imaaraadka Puntland Baa Qeyb Laheyd..”Madaxweyne Gaas
April 17, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii todobaadkii hore dowlada Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeyb ka mid ah Imaaraadku ugu talagaleen ciidamada ku sugan deegaannada Puntland oo ay tababaraan.
‘’Haa lacagtaa $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mishaarka iyo saadka ciidamada’’ ayuu yidhi Cabdwali Maxamed Cali Gaas oo u waramay VOA.