Wasiirka Qorshaynta Oo Qabyaaladdii Qurbaha La Soo Dhex Galay Wasaaraddii Qorshaynta W/Q :- Axmed Jaamac + Akhriso
April 18, 2018 - Written by Berbera Today
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac oo ah nin dhalinyaro ah oo laga filayay in uu la yimaado qorshe uu ku hogaamiyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo ah hormoodka Horumarka Qaranka, ayaa ku haftay hab maamulkii shaqadda lana yimi kuna mashquulay in uu Wasaaraddii lasoo galo qabyaalad iyo kala qaybin baahsan oo uu u horseeday Shaqaalihii Wasaaradda.
Wasiirka Qorshaynta ayaa markii loosoo magacaabay Wasaaradda ahaa Wasiir aan xog badan laga hayn, tixraaciisa shaqo iyo aqoontiisaba. Waxaana laga dhur sugayay Habka uu u hogaamin doono Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, oo ah Wasaarad ay soo mareen dadkii ugu adkaa iyo Wasiiraddii ugu aqoonta badnaa Siyaasiyiintii soo maray Somaliland abid.