Daawo Muuqalka”Madaxweynaha Somaliland Oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Wasaarada Warfaafinta
April 18, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo oo kedis ah maanta ku tegay xarunta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ku leedahay gudaha caasimadda Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa shaqo ku wehelinayaan xubno xildhibaanno ah iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo mudane Maxamed Cali Bile, ayaa waxa xarunta wasaaradda kusoo dhaweeyey guud ahaanba shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Iyo Sawirada Warkan