Haamaha shidaalka ma marki xukumadu gacanta ku haysay mise iminko shirkado gacanta ku hayaan ayaynu ku dhibanahay W/Q Cabdi Cilmi Guuleed
April 18, 2018 - Written by Berbera Today
Haamaha shidaalka ma marki xukumadu gacanta ku haysay mise iminko shirkado gacanta ku hayaan ayaynu ku dhibanahay.

intaan xusuusto 2011 ilaa 2013 waxa marka uu soo xidho tangar shidaal laga so qaadi jiray sample oo loo diri jiray jabouti si loo soo mariyo shaybaadh.toban saacadood ayay jawaabtu ku so noqon jirtay hada iminka shaybaadh ayaa jira.
Mudadaa waxa dib looga celiyay dekeda sadex tangar oo tayada shidaalkoodu xumaa.
Wakhtigaa haamaha iskamay gali jirin masuuliyiinta shirkadaha keena shidaalka ee waxa loo gudbin jiray iyada oo qoraal ah cadaka shidaala ee ugu jira shirkad walba haamaha.
Markay shirkaduhu la wareegeen gacan ku haynta haamaha waxa ay noqotay xero ay iyagu iska leeyihiin maca shaybaadhki lagu eegi lahaa oo ganacsato si dadban uga mida kuwa lagu wareejiyay haamaha ay leeyihiin
Waxa aydin arkaysaan in aanay khasaaraha soo gaadhay gaadiidlayda aan soo gaadhi jirin markay gacanta xukuumada ku jireen haamuhu uma bislin in aynu ku wareejino adeegyadeena gacmo shirkado ganacsi ee waxa kaliya ee inoo dhex ahi waa xukuumada oo gacan ku haynta haamaha dib ula noqota.
Golaha baarlamaankana waynu ogayn in uu diiday wareejinta haamaha.Xukuumadeenu maxay ku diidaysa inay masuul uga ahaato waxyaabaha la wada leeyahay.
Khasaaraha shidaalku gaysta kuma koobna uun gaadiidka bad iyo dhul ee wax yeeladiisa waxa ay ku maqantahay warshadaha dhamaan…Hore u socodku waa sixida wixii dhib ku ah shicibka