Daawo Muuqalka”Masuuliyiinta Shirkada HASS Patroleum Oo Xukuumadda Ugu Baaqday Inay Talaabo Ka Qaado Shirkaddo Ay Sheegtay Inay Dalka Keenen Shidaalka Wasakhaysan Oo Xabag Leh
April 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hargeysa, () Shirkadda Shidaalka ee Hass Petroleum ayaa shacabka Somaliland u cadaysay in aanay dalka keenin shidaal tayadiisu aad u hoosayso.
Shirkadda HASS Patroleum waxa ay xukuumada Somaliland ugu baaqday in ay talaabo ka qaado shirkadaasi shidaalka xun dalka keentay oo ay ku tilmaameen inay tahy kuwa ugu waaweyn ee Maamula Haamaha shiidaalka Berbera islamarkaana dalka keena shiidaalka noocyadiisa kala duwan.
Waxaanay sidaasi ku sheegeen shir jaraaid oo ay ku qabteen Magaaladda Hargeisa Madaxa suuqgaynta iyo xidhiidhka Bulshadda ee shirkadaas Xasan Miisaan iyo Madaxa kaalmaha shidaalka ee HASS Cal Qodax.