Wafti Kasocda Dawlada Isutaga Imaaraatka Carabta Oo Madaxweyne Muuse Ku Qaabilay Madaxtooyada Hargeysa Iyo Qodobo Kulankaas Laga Soosaaray
April 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wefti 12 xubnood ka kooban oo ka socda Imaraadka Carabta ayaa maanta Kulan la qaatay Madaxwyenaha Soamlialnd, waxana kulankaasi laga soo saaray Qoddobadan.
1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.
2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.
3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.
4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamud Warsame Jaamac ayaa sidaa sheegay kuna soo saaray warsaxaafadeed uu u akhriyay warbaahinta xukumada