Dad Cumraysanaayey Oo Xajka Ku Dhintey Iyo Dalalka Ay Ka Soo Jeedaan
April 23, 2018 - Written by Berbera Today
Makka(Berberatoday.com)-Afar ruux oo Britain u dhalatay ayaa dhimatay 12 ruux oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii uu shil galay bas ay saarnaayeen iyaga oo cumro u jooga Sacuudiga, sida ay sheegtay shirkad dhanka socdaalka ka shaqaysa.

Raj Begum Xuseen oo 70 jir ah ayaa ka mid ahayd dadka dhintay, waxaa kale oo la sheegay in ay dhinteen nin kale oo duq ah iyo hooyo iyo wiil ay dhashay.