War Hayaa Xiiso Malaha”Madaxweynaha Geelaaha Jabuuti Oo La Shaaciyay Inuu Doorashadii Jimcihii Jabuuti Ka Dhacday Ku Guulaystay
April 9, 2016 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.net/com)-Madaxweynaha Dalka Jabuuti Oo Ku caan baxay kalitalisnimo islamarkaana hogaanka dalka Jabuuti la wareegay sanadii 1999kii ayaa habeenkii xalay sacadihii danbe ay shaaciyeen kooxo isaga ushaqeeya oo ku magacaaban Komishanka doorashooyinka dalkiisu inuu doorashadii dalkaas shalay Jimcihii ka dhacday uu ku guulaystay codad aad utira Badan oo aqlabiyada ah,
Madaxweyna Ismaaciil Cumar Geelle oo da,diisa lagu sheegay 68 jir ayaa Afar jeer oo uu doorashada dalka utartamay mar walba kaligiii ku guulaystay iyada oo aanay jirin mucaarad si xora ula tartamay oo dalkiisa ka jira inta badan soo samaysta shaqsiyaad uu ku sheego inay hogaamiyayaal ka yihiin xisbiyo mucaarad oo aan wax saamayna lahayn.