Mohamed Salah Oo La Kulmaya Dhibaato Dhinaca Diinta Ah, Culimo Fatwo Kasoo Saartay Iyo Liverpool Oo Sabab U Ah
April 27, 2018 - Written by berberatoday berberatoday
Xiddiga Muslimka ah ee Mohamed Salah ee afka hore uga ciyaara Liverpool ayaa dhibaato dhinaca diinta ah la kulmi doona haddii kooxdiisa Liverpool u gudubto finalka Champions League.
Salah oo ah Muslim ku adag diinta ISLAAMKA iyo cibaadada ayaa isku diyaarinaya bisha Ramadan oo ku beegan May 15, taas oo ah toban maalmood ka hor wakhtiga la qaban doono ciyaarta finalka Champions League oo ka dhici doonta magaalada Kiev ee caasimadda Ukraine.
Haddii Liverpool ay ka gudubto Roma oo ciyaartii hore ay ku dhufatay 5-2 waxay tegi doonta finalka Champions League oo u baahan awood jidheed iyo maskaxba, waxaase nasiib darro ay ku beegmi doontaa wakhti Ramadaan ah oo uu sooman yahay Mohamed Salah.
Shawki Allam oo ah muftiga weyn ee waddanka Masar ayaa fatwooday in Salah uu iska deyn karo soonka maalmaha ciyaartaas, isla markaana uu qallayn doono mar kale oo noqon doonta ka hor koobka adduunka. Laakiin Salah iyo xiddigaha kale ee ay Muslimka wada yihiin ee Sadio Mane iyo Emre Can, iyaga ayaa gaadhi doona go’aanka ah inay iska daayaan oo ay dib ka qalleeyaan iyo inay ku adkaystaan inay Soomaan.
Haddii ay soomaan maalinta ciyaarta finalku dhacayso, waxa hoos u dhici doonta awooddooda, hase yeeshee, dhinaca kale, Soonka ayaa ka mid ah tiirarka Islaamka oo ka weyn in kubbad darteed loo daayo.
Sida loo badinayo, horena loogu arkay, Salah oo macnaha magaciisu yahay Cibaado, waxa uu sannadkii 2014 isaga oo jooga Chelsea uu ciyaaray isaga oo soomman wakhti ay isku diyaarinayeen bilowga xili ciyaareedka.
Berigaas, waxa uu qiray inay ku adkayd Ramadaantu, waxaanu yidhi: “Ramadantu way igu yara adkayd sababtoo laba jeer ayaanu maalintii tababar samayn jirnay, jawiguna aad ayuu u kululaa, ciyaar kastana waan ciyaaray. Xattaa maan awoodi jirin inaan biyo illaa 9:30pm. Inkasta oo aan la qabsaday Soonka, hadda wuu iga dhamaaday, waxna waan cuni karaa, cabbina karaa si caadi ah.” ayuu Salah yidhi berigaas.
“Marka aad laba jeer tababar samayso, awooddaadu hoos ayey u dhacaysaa gellinka dambe, laakiin taasi macno weyn ayay ii leedahay, aadna waan ugu faraxsanahay, fiicnaanna waan ku dareemaa.” ayuu ku daray.
Tababaraha kooxda Liverpool, Jurgen Klopp ayaa waraysi uu siiyey telefishanka Channel 4 News, waxa uu kaga hadlay sida Salah, Mane iyo Can ay u gudan karaan waajibaakoodkooda diimeed, una ciyaari karaan, waxaanu yidhi: “Salah waa Muslim, waxaanu sameeyaa camal kasta oo Muslimiintu sameeyaan. Ciyaarta ka hor, wuu weysaystaa, waanu sunnaystaa.” ayuu yidhi.
Tababaruhu waxa uu qiray in kooxdu Salah daraaddii ay garoonka hore ugu yimaaddaan si uu u cibaadaysto, waxaanu yidhi: “Hal daqiiqo illaa laba daqiiqadood ayaanu soo qaddinaa oo aanu qolka lebbiska nimaadnaa si uu Salah ugu diyaar garoobo ciyaarta. Sidoo kale, Sadio iyo Emre Can ayaa iyaguna sameeya.”
Klopp waxa uu xusay in Salah uu calaamad u yahay dunida oo dhan gaar ahaan kuwa qaska iyo muslim nacaybka wada, waxaanu yidhi: “Waa wax wanaagsan. Dhab ahaantii waa waxaynu u baahanahay wakhtiyadan. Inaad ku aragto wiil yar oo cajiib ah, laga helo, wada jacayl ah, wada saaxiib ah, wax kasta ka buuxaan, dunidan aynu dhamaanteen u halgamayno inaynu fahamno waxa ka dhacaya, waa arrin cajiib ah.”
Klopp oo la dhacsan caqiiqada Islaamka ee Salah tusiyey, waxa uu intaa ku daray: “Mo waa ambassadorka saxda ah ee Masar ee dhamaan dunida carabta”
Mohamed Salah waa dhimbir dunida Muslimku u baahnayd oo quluubta gaalada indhahooda kusoo jeediyey wanaagga Muslimiinta.
Markii uu toddobaadkan ku guuleystay xiddiga horyaalka Ingiriiska ee sannadka, warbaahinta Sucuudiga ayaa markiiba daabacday in Salah ay dawladda Sucuudi Carabiya siisay dhul ka mid ah aagga barakaysan ee magaalada Maka oo ku dhow Kabcada.
Fahd al-Rowky oo ka mid ah maamuleyaasha dhulka barakaysan ayaa yidhi: “Waxa jiray asbaabo aanu ugu dooranay inaanu dhulkan siino. Haddii nidaamka Sucuudigu ogolaado inuu Salah yeesho, waxa aanu dhulka barakaysan ee Makka, bannaanka Xaramka ka siinaynaa dhul. Haddii kale, Masaajid loo bixiyo magaciisa ayaa halkaa laga dhisi doonaa.”
Xulka qaranka Masar ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-gelaya koobka adduunka oo bilaabmaya June 15 oo ah maalin kaddib Ciidd al-Fitri, hase yeeshee, in ciyaaryahannadu ay tagaan Ruushka oo ay isku diyaariyaan koobka adduunka iyagoo soomman, waxay dhibaato ku noqonaysaa awooddooda.
Muftiga Masar, Allam ayaa waxa uu sheegay in Diinta Islaamku ay u bannaysay dadka safarka ah inay iska dhaafaan soonka oo ay dib ka qalleeyaan, taaas daraadeedna Salah iyo ciyaaryahannada kale ee Masar ay soonka iska dayn karaan.
Dhinaca kale, waxa jira dad badan oo intooda badan ah jamaahiirta Liverpool oo ballan-qaaday inay diinta Islaamka qaadan doonaan iyagoo ku sharfaya Mohamed Salah haddii uu u qaado Champions League.