Wargeys Caalamiya Oo Ka Hadlay Ascaarta Qadiimiga Eh Ee Somaliland Kuna Sifeeyey Dhaqanka Ugu Wanaagsan Adduunka
April 28, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska Gulf News ee ka soo baxa dalka Imaaraadka carabta, ayaa maanta baahiyey qormo xiiso badan oo ku saabsan taariikhda soo jireenka ah aataarta qadiimiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa xigatay maqaalka Gulf News daabacay maanta oo ciwaan looga dhigay “Laas Geel: Dhaqanka ugu wanaagsan Dunida.”
Majaladda Gulf News waxay bayaamisay in xarunta aataarta qadiimiga ah ee Laasgeel oo ku taalla Somaliland ay tahay goob qadiimi ah oo jirtay muddo kumanaan sannadood ah, waxaanu intaas ku daray in godadka Laasgeel ay yaalaan dhagaxaan waaweyn oo si xeel dheer loogu bal-ballaadhiyey sawirada dad, xoolo iyo xayawaan kale oo ay ka mid yihiin lo’ iyo Geri.