Digniin Caafimaad”Ilmaha Oo Aad Ka Dhirbaaxdo Madaxa Qaybtiisa Dambe (Qadaadka) Waxa Ay Sabab U Noqon Kartaa Dhimashadiisa
April 29, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Caalim u dhashay dalka Ruushka oo ku xeeldheer cilmiga barashada shaqada xubnaha ee Fisiyooloji (Physiology) ayaa si adag uga digay khatarta ka dhalan karta ilmaha oo laga dhirbaaxo madaxa qaybtiisa dambe ee qadaadka loo yaqaanno. Kaas oo uu sheegay in uu keeni karo miyir beel iyo xitaa dhimasho.
Caalimkan oo lagu magacaabo Renad Minvalev ayaa isaga oo sharraxaya sababta nabarka ku dhaca qadaadku uu khatartaa u keenayo, ayaa waxa uu sheegay in, uu ku beegan yahay fakaak / dalool ku yaalla lafta madaxa qaybteeda dambe, kaas oo ay ku hoos taallo maskaxda qaybteeda laydiga u eeg ee ku taalla madaxa xaggiisa dambe oo afka cilmiga lagu yidhaahdo maskax dambeed (Medulla Oblongata), waxa kale oo jiiddaas qadaadka ku yaalla qaybta dambe ee habdhiska shabakadda maskaxda ee loo yaqaanno ‘Reticular Activation System’ oo ah shabakad balaladhan oo ah unugyo neerfeedyo fidsan inta u dhexeysa jiridda maskaxda illaa maskaxda qaybteeda ‘Grey Matter’ shaqooyinkeedana ay ka mid tahay qaabilidda iyo qabashada xogta dareenka ah, iyo in ay kala shiisho xogta ay tahay in ay marto ama aanay marin. Sida oo kale waxa ay shaqo muhiim ah ka qabataa isku xidhka wareegyada hurdo iyo soo jeed ee maskaxda. Qaybtan maskax-dambeedka ee qadaadka ku taalla shaqooyinkaas muhiimka ah ee ay qabato waxaa u dheer in ay tahay xarunta neefsiga.