berberatoday.com
Gudoomiyaha Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire Oo Sheegay Inay Dadkii Gaadiidkoodu Ku Xumaaday Shidaalka Wasakhaysan Ay Mag-dhow Uga Doonayaan Shirkadihii Shiidaalkaas Keenay
April 30, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddiga ilaalinta iyo daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire, ayaa ka warramay kormeer ay isaga iyo Guddigiisu ku soo mareen Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, ka dib Shidaal lagu shubay oo waxyeeleeyay Gaadiidka Dadweynaha.

Xildhibaanka oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Guddiga ilaalinta iyo daba-galka Hantida Qaranku iyadoo gudanaysa waajibkeeda Qaran iyo waajibka ka saaran Hantida Ummadda, waxaanu Maalin dhawayd booqasho ku tagnay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera. Sidaad ula socotaan sannadkii 2015-tii ayaa lagu wareejiyey Ganacsato, wakhtigaana Goluhu wuxuu ka soo saaray Go’aan diidmo ah, haddana dheg-jalaq looma siinin oo waatii la wareejiyey, laakiin waxa Maanta soo baxay, waxa soo baxday khatar amni, maaddaama oo Qarankani aanu Gacanta ku haynin Shaybaadhkii baadhayey Tayada shidaalka iyo Haamihii Shidaalka lagu kaydinayey, taasi oo macnaheedu yahay in Labadii Meeloodba ay Gacmaha ugu jiraan Dad Macaash doon ah, kulankaa waxa nooga soo baxday in Haamaha Shidaalka wixii la doono lagu shubi karo oo cid ilaalinaysaa aanay jirin, Shaybaadhkuna hadduu wax soo saaro aanu awood u lahayn inay ku dhaqmaan Dadka Maamulaya Haamuhu.”

Xildhibaan Naasir

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalku waxay haystaan Liis Qadiim ah oo laga baadho Shidaalka, Xabagta oo ahayd waxyaabaha ugu muhiimsan ee aanu xoogga saaraynay waxaanu soo aragnay in Mishiinkii lagu eedeeyay Xabagta Shidaalka ku jirta inaanu shaqaynba oo qolada Haamuhu ay ka codsadeen inaanu shaqayn-ba, waxyaabaha cusub ee Shidaalka. Waxaanu soo jeedinaynaa guddi ahaan oo aanu wadnaa in Haamaha Kaydka Shidaalka lagu soo celiyo Gacanta Dawladda, si amniga loo sugo. Ka soo qaad innaga oo Xaalad dagaal galnay oo Qalabkeenii dagaalka oo dhan Shidaalkaa lagu shubo oo ay is wada taagaan, markaa wax la dhayalsan karo maaha..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Waxaan halkan baaq uga dirayaa Dadkii Hantiileyaasha ahaa ee Baabuurtoodu xumaatay ee dhibaatadu ka soo gaadhay shidaalka xun inay la soo xidhiidhaan Guddiga ilaalinta iyo daba-galka Hantida Ummadda ee Golaha Wakiillada si loogu doono xaq, waayo? Waxay xaq u leeyihiin inay Mag-dhow helaan ama iyagu intay is abaabulaan ay Maxkamadda Gobolka ama degmada geystaan dacwad ku saabsan in Mag-dhow la siiyo.”

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews