Golaha Wakiillada Oo U Ololaynaya In Haamaha Shidaalka Dawladdu La Wareegto Iyo Khayre Oo La Ogaaday Inuu Saami Ku Leeyahay
April 30, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha guddida ilaalinta hantida Qaranka iyo daba galka musuqmaasuqa ee golaha wakiillada xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa mar kale sheegay in ay hayaan xaqiiqooyin ku saabsan in ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre saami ku leeyahay shirkadda Som Oil oo qayb ka ah maamulka haamaha shidaalka Berbera.
Xildhibaan Naasir Cali Shire ayaa sheegay in sherkadda Som Oil ee uu leeyahay raysal wasaare Khayre kana hawlgasha deegaanada Somalia ay qayb ka tahay ganacsatada sheerka ku leh haamaha shidaalka Berbera oo ay xukuumaddii hore sifo muran badan leh u wareejisay