berberatoday.com
Roma Vs Liverpool: Hordhaca Ciyaarta Caawa, wacdaraha liverpool iyo rooma oo jab la maagan
May 2, 2018 - Written by berberatoday berberatoday

Kooxda horyaalka Talyaaniga ee AS Roma ayaa garoonkeeda Stadio Olympico ku soo dhawanaysa Liverpool kulanka afar dhamaadka UEFA Champions League. Roma ayaa markale u baahan in ay samayso soo laabasho layaableh haddii ay doonayso in ay u soo baxdo finalka Champions League iyada oo Liverpool kala soo kulantay guuldaro 5-2 ahayd ee kulankii Anfield.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay kooxdiisa digniin fiican u tahay soo laabashadii lama filaanka ahayd ee ay Roma ka samaysay kulankii lugtii labaad ee siddeed dhamaadka Champions League markaas oo ay 3-0 ku garaacday Barcelona. Roma ayaa isku diyaarinaysa kulan ay si waali ah u dagaalami doonto kadib guuldaradii waynayd ee Anfield ku soo gaadhay.

 

Liverpool iyo Roma ayaa isha ku haya sidii ay Real Madrid balan ugaga samaysan lahaayeen finalka Champions League kadib markii ay kooxda ree Spain xalay reebtay Bayern Munich. Kulanka Roma iyo Liverpool ayaa markale la filayaa in uu noqon doono mid xiiso gaar ah leh.

Jurgen Klopp ayaa la filayaa in uu samayn doono qaabkii uu Man City kula soo ciyaaray kulankii lugtii labaad ee siddeed dhamaadka markaas oo ay kooxdiisu si xoogan u difaacatay qaybtii hore balse markii ay City daashay ay goolasha martida keensadeen.

Roma ayaa doonaysa in ay qaybta hore shaqo wayn qabto, waxaana loo arkaa in ay labada kooxoodba muhiimad wayn u yeelan doonaan 45 ka daqiiqo ee qaybta hore iyada oo natiijada ciyaarta saamayn xoogan ku yeelan karta.

Mohamed Salah, Roberto Firmino iyo Sadio Mane oo Roma burburiyay kulankii Anfield ayaa u baahan doona in ay xaalad fiican ku jiraan si ay kooxdooda ugu keenaan goolal marti ah taas oo sun iyo niyadjab wayn ku noqon karta Roma.

Liverpool ayaan xili ciyaareedkan wax guuldaro ah ku soo arag Champions League waxayna u baahan tahay kulanka Roma in ay hal gool dhaliso si ay u barbarayso rekoodhkii gool dhalinta Champions League ee ay Barcelona hal xili ciyaareed ku dhalisay 45 gool iyada oo Reds haddaba soo dhalisay 44 gool.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:

Kooxda martida loo yahay ee Roma waxaa kulankan ka maqnaan doona isla markaana dhaawac ku seegaya Strootman oo dhaawac feedhaha ah qaba waxa kale oo dhaawacyo jilbaha ah ku maqan Karsdorp iyo Defrel halka Perotti uu dhaawac canqowga ah qabo.

Dhinaca Liverpool waxaa ka maqnaan doona Joel Matip oo dhaawac bowdada ah ku maqan, Oxlade-Chamberlain oo dhaawac jilibka ah inta xili ciyaareedkan ka hadhay ku seegi doona, Emre Can oo dhibaato dhabarka ahi garoomada u diiday yo waliba Joe Gomez oo dhaawac canqowga ahi kulankii Stoke ku soo gaadhay.

Waxaa tababarka Liverpool ku soo laabtay Adam Lallana laakiin lama filayo in uu taam buuxa u noqdo kulanka caawa ee Roma. Laakiin Henderson iyo Alexander-Arnold ayaa ka soo kabsaday jugo ku soo gaadhay kulankii Stoke.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Lugta Labaad ee Afar Dhamaadka Champions League

Kulanka: AS Roma Vs Liverpool

Garoonka: Stadio Olympico

Waqtiga: 9:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Damir Skomina (Slovenia)

 

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Roma: Alisson; Florenzi, Manolas, Fazio, Kolarov; Nainggolan, De Rossi, Pellegrini; Schick, Džeko, El Shaarawy
Out: Karsdorp (knee), Defrel (knee), Perotti (ankle), Strootman (ribs)

Liverpool: Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Henderson, Milner; Salah, Firmino, Mané

 

 

xigasho cadalool

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews