“Berbera Waxay Noqon Doontaa Mid Ka Mid Ah Jeelasha Dadka Lagu Ciqaabo Ee Halista Badan, Berbera-na Meel Fog Baa Laga Dooni Marka Laysku Keen Dulqabsado…”Gudoomiye Ciro Oo Khudbad Ujeediyay Shacabka Reer Berbera”Daawo Muuqal
May 4, 2018 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxaa uu qaar ka mid ah shacabka magaalada Berbera uu goob fagaare ah khudbad uga jeediyey
Gudoomiyaha ayaa khudbadiisan ugu horeyn shacabka reer Saaxil iga mahad celiyey codadkii ay doorashadii madaxtooyada siyeen xisbiga Waddani .
Ciro ayaa sidoo kale carabka ku dhuftey in isaga iyo xisbiga Waddani toona aanu ka soo hor jeedin in Berbera la maal gashado balse uu ka soo hor jeedo in Berbera la xaraasho , waxaan uu mar kale ka digay khatarta ka dhalan karta saldhiga Imaaraadka ee Berbera oo uu ka digay in uu Noqdo jeel dadka lagu ciqaabo