“Qaanuunkii Isku Keenay Somaliland Iyo Somaliya Meesha Wuu Ka Baxay; Inay Wada Fadhiistaana Labada Dhinacba Dan Baa Ugu Jirta” Proff. Ismaaciil Hure Buubaa
May 7, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, kana tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay sida ugu haboon ee uu arko inay Somaliland ku heli karto aqoonsi, waxaanu sheegay in qanuunkii isku keenay labada dal uu meesha ka baxay, waxaanu dawladda kula taliyay wada hadalada Soomaaliya.
Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Arinta Aqoonsi waa arin dawlad kasta u taala, laakiin se anigu Somaliland aqoonsigeeda sida aan u arko halkay ka bilaabaysaa waa wada hadal, Somaliland iyo Somaliya ah, oo 1960 qanuunkii isku geyeey labada Dal, midna maanta ma waafaqsana, oo wey caddahay in qanuunkii isku keenay Somaliland iyo Somaliya meesha uu ka baxay inay wada fadhiistaana laba dhinacba dan baa ugu jirta, oo qanuunkii 1961 uu saxeexay Madaxweynihii ugu horeeyey Jamhuuriyadii Somaliyeed Aadan Cabdule Cismaan, waxaanu isku tagaasi caddaynayaa in laba Dawladood oo mid kastaaba dhinaceeda u madax banaan tahay, isku taga laba dawladoodna wuxuun baa ka dhasha, wixii ka dhashay ayaa imika la isku hayaa”.