Weerar Lagu Nafwaayay Oo Ka Dhacay Magaalada Paris Ee Dalka Faransiiska
May 13, 2018 - Written by Berbera Today
France(Berberatoday.com)-Boosliiska Faransiiska ayaa sheegaya in nin toorreey sitay uu dhowr qof oo waddo marayey ku toorriyeeyey bartamaha magaalada Paris, asagoo dilay hal qof dhowr kalena dhaawacay.

Waxay booliisku intaas ku daryaan in ninkii toorrayda ku hubaysnaa ay toogteen, weerarka ayaa ka dhacay halka lgu magacaabo Opera area.