Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani Oo Ka Hadlay Dagaalkii Saaka Ee Tuko-raq Sheegayna Inay Gaadiid Ciidan Iyo Maxaabiisba Qabsadeen
May 15, 2018 - Written by Berbera Today
Laascaanood(Berberatoday.com)-Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaciil Taani oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadley jiida hore ee dagaalka ayaa waxaa uu ka hadley dagaal saaka dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland .
Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi ay guul weyn ka soo hooyeen ciidamada Somaliland isla markaana ay ku qabsadeen 6 gaadhi oo mid ka mid ahi taangi yahay , sidoo kale-na ay la wareegeen magaalada God qaboobe oo ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada Maamulka Puntland