Shidaal La’aan Soo Food Saartay Suuqyadda Hargeysa, Gaadiidkii Oo La Iska Dhigay Iyo Xukuumadda oo Afka Xidhatay.
May 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-waxa maanta markii ugu horaysay magaaladda hargeysi la daalaa dhacaysa sicir barar baahsan oo ka jira dhanka shidaalka kaas oo maalmihii u dambeeyay ay ildarnaayeen muwaadiiniintu balse waxa saaka gabi ahaanba shidaal laga waayay kaalmaha shidaalka iibiya gaar ahaan patrolka waxaanay taasi keentay in kaalmaha kooban ee laga helaa litirka shidaalka ah siinayeen 15000 kun oo shilinka somaliland ah

halka intooda badani aanay hayn wax shidaal ah islamarkaana ay dhamaan bulshadda istcimaasha gaadiiduiska dhigeen dhamaan gaadiidkii ay wateen