Somaliland: Dhimashada Dadka oo Maraysa 29 Ruux, Gurmad Xanniban, Safarka Cirka ee Somaliland iyo Jabuuti iyo Wararkii u Dambeeyey
May 22, 2018 - Written by Berbera Today
Saylac(Berberatoday.com)-Maamulka gobolka Selel iyo degmada Saylac, ayaa ka warbixyey Khasaaraha ka dhashay Roobabka Mahiigaanka ah ee Dabaylaha watay ee saddexdii maalmood ee u dambeeyey sida is-daba-joogga ah uga da’ayey Xeebaha Somaliland, iyaga oo sababay Roobabka ka da’ay deegaannada Xeebta raacsan ee gobollada Awdal iyo Selel Dhimashada 29 Ruux, halka ay Dad 27 lagu sheegayna la raadinayo oo aan weli lahayn, 12 kalena ku dhaawacmeen, waxa ay Roobabku laayeen Xoolo badan oo Geel iyo Adhi u badan, Beero iyo Guryo badan oo ay dumiyeen.
War uu Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ka soo saaray khasaaraha maanta ayuu sheegay in 25 Ruux dhinteen, 27 kalena la raadinayo, isla markaana khasaare badan oo Guryo ah dhaliyey. Hase-yeeshee, Wararka kale ee Warbaahintu helayso ayaa sheegaya in Dhimashadu tahay 29 illaa 30 Qof inta la xaqiijinayo illaa hadda. Waxa gadoonsan magaalooyin dhawr ah oo Lughayaha ka mid tahay, Baki iyo kuwo kale oo aan xataa Gurmad la gaadhsiin, lana gaadhsiin kari waayey markii ay Waddooyinka Gaadiidka Xamuulka sidaa mari lahaayeen go’een.