Dagaal Udhexeeya Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Putland Oo Saaka Ka Qarxay Deegaano Ka Shisheeye Tuka Raq
May 24, 2018 - Written by Berbera Today
Tuka Raq(Berberatoday.com)-Saka aroortii Hore ayuu Mar kale dagaal udhexeeya Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Kuwa maamulka Putland oo waayadan danbe isku horfadhiyay deegaanka Tuka Raq uu saaka dib uga qarxay deegaankaasi.
Dagaalkan oo ay dadka deegaanku sheegeen inuu yahay mid culus oo labada dhinacba isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ilaa hada la ogayn khasaaraha ka dhashay inta uu leegyahay waxase la xaqiijiyay in dagaalkaasi ilaa hada socodo.
Waxa la sheegay inay Ciidamada Maamulka Putland ee deegaankaas difaaca kaga soo jiraa rasaas teelteela kusoo rideen Ciidamada Qaranka Somaliland hase yeeshee rasaastaas ayaa cidna waxba yeelin Ciidamada Qaranka Somalilandna kamay jawaabin ee difaacooda ayay xidheen.