Allah Ha Unaxariisto Fanaanadii Faadumo Axmd Dhinbiil Oo Dalka Turkiga Ku Geeriyootay
May 24, 2018 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Alle Ha Unaxariiste Marxuumad Faadumo Axmed Dhinbiil oo kamida ahayd Bahda Fanka Somaliyeed gaar ahaan dalka Jabuuti ayaa Ku Geeriyootay Cisbataal kuyaala dalka Turkiga oo xaalad Caafimaad daro oo la soo daristay loo geeyay.
Marxuumada oo ahayd heesaa caan ah ayaa inta badan nolosheeda ku qaadatay dalka Jabuuti oo ay ku barbaartay hase yeeshee Waxa ay dhalasho ahaan kasoo jeeday Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal Deegaankiisa Xariirad.