Sir Culus”Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo Wada Qorshe Uu Ku Doonaayo In Uu Ciidan Nabad Ilaalin Ah Ku Keeno Deegaanka Tuka Raq Ee Somaliland
May 26, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dawlada Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa wada qorshe uu rabo in ciidan nabad ilaalin ah ku keeno dhul ku yaala Somaliland .
Xogo ay Berberartoday.com ka heshay xarunta madaxtooyada Somaliya ee Villa Somaliyawaxaa ay sheegayan in farmaajo uu rabo in dawlada Itoobiya uu ku qanciyo in ay ciidan nabad ilaalin ah keento deeganka Tuko-raq oo ay dhawr jeer ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland .
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maalintii shalay aheyd waxaa uu raysal wasaaraha xukuumadiisa uu u diray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isla markaana waxaa la sheegay in Raysal wasaare Xasan Cali Khayre uu kulan la yeelan doono Raysal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya .