Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Xaalada Mohamed Salah Kadib Dhaawicii Soo Gaadhay Xalay
May 27, 2018 - Written by Berbera Today
Liverpool(Beerberatoday.com)-Mohamed Salah ayaa xalay isaga oo oynaya laga saaray kulankii Final-ka Champions League kadib dhaawac halis ah oo ka soo gaaray garabka.
Saacad kadib bixitaankiisii, BBC Sport ayaa baahisay in baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyay laacibka lagu ogaaday inuu seegayo koobka adduunka kadib jab ka soo gaaray lafta garabka.
Waxaa taas sii xigtay waraysi uu bixiyay tababare Jurgen Kopp oo yiri: “Dhaawaca Mohamed Salah wuxuu u muuqdaa mid halis ah”.