|
berberatoday.com
Cisbataalka Gargaar Ee Hargeysa Adeegyadiisa Caafimaad Wax Baa Ka Dhimane Hala Dhamaystiro”W/Q Rakad Mxd Sultan
May 31, 2018 - Written by Berbera TodayWaxa Qoray Rakad Mxd Sultan Laba habeen ka hor afurkii waxa Cisbitaalka Gargaar Hospital Hargeysa ku geeriyooday Hooyo uur leh oo dhiigkar ku dhuftay isla afurkii ka horna waaba ay geeriyootay , Alle ha u naxariisto se waxa ayaan daro ah in Cisbitaalka wayn ee Gargaar oo ah ka ugu wayn Kuwa Privateka ah laga waayo Ambulance lagu qaado maydka , Maamulkii dhakhtarkuna uu kula taliyay inay Alxayaat ama Hargeysa Group ka doontaan Ambulance lagu qaado. Cisbitaalka iskaashatadda ah ee Gargaar waxa la furay sanadkii 2012, waa ayaan daro in aannnay wax Ambulance ah lahayn, iyo in aannay Wasaaradda caafimaadka ka hubin in Adeegyadddii caafimaad u dhan yihiin Cisbitaalo dhan oo dalka ka jira oo aan lahayn adeegyaddaas uu Ambulanceku ka midka yahay. Haddii ay in un na maqlayaan Maamulka Cisbitaalku waxaan u soo jeedinaynaa innay dadkoodda u sammeeyaan Ambulance oo ay u diyaariyaan si gurmadka iyo qaadista maydka iyo dhaawacuba u fududaadaan halka shaqaalahaba Busaska loogu diyaariyo. Kaliya waxaynu naqaanaa sida lacagta loo gurto se isla xisaabtanka ayaa innagu yar. Alle ha sahlo. COMMENTS
|
||||
|