Dowladdaha Soomaaliya Iyo Jabuuti Heshiis Kala Saxiixday Iyo Nooca Uu Yahay Heshiisku Akhriso
May 31, 2018 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliy Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxda dalkaasi.
Wasiir Cawad waxaa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ballaadhan ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo Saddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka, iyaga oo balan qaaday heshiisyadan in ay noqon doonaan kuwo si dhaw u dhaqan gala.