berberatoday.com
Dawlada Itoobiya Oo Iclaamisay Inay Dhisi Doonto Cudud Ciidamo Badeeda Iyadoo Aan Biyo Badeeda Lahayn Iyo Halka Duulaanku Ku Waajahanyay”Waxaynu Dhisi Doona Cududeena Ciidamada Badda..” Raysal Wasaaraha Itoobiya Ahmed Abiy
June 3, 2018 - Written by Berbera Today

Addis Ababa(Berberatoday.com)-Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo dorraad xafiiskiisa warbixin ku siinayay hoggaanka ciidamada difaaca Itoobiya ayaa u sheegay in dalkiisu dhisay midka mid ah ciiddanka ugu awoodda badan Afrika ee dhanka dhulka iyo Cirka, islamarkaana uu dhisi doono cududiisa dhanka badda. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa la is waydiinaya waxa uu yahay hiigsigeedan ciiamo badeed iyo halka ay duulaanka kutahay.

Ra’isal wasaare Ahmed Abiy oo ammaanay heerka uu gaadhay ciidanka Qaranka ee Itoobiya ayaa soo bandhigay hiigsigiisa ugu weyn “Marka la eego dadaallada la sameeyay si loo dhiso awoodda ciidankeena Qaranka, waxaynu dhisnay mid ka mid ah ciidanka ugu xoogga badan Afrika ee dhanka Cirka iyo dhulka, waxaynu mustaqbalka dhisi doona awooddeena dhanka badda,” Sidaas ayuu yidhi Dr Abiy sida ay baahisay wakaaladda Fana Broadcasting Corp.

 

 

Warbaahinta Bloomberg oo arrintan wax ka qortay ayaa isku dayday in ay la taliyaha dhanka ammaanka ee Ra’isal wasaare Ahmed Abiy arrintan wax ka waydiiso laakiin, may suuro galin uun ka jawaabo telefoonnada ay u direen.

Sida ay baahisay Bloomberg waxay hadda Itoobiya leedahay Machadka tababarrada dhanka Badda oo culuunta Injineernimada iyo farsamada Korontada baro sanadkii ilaa 500 oo qof, islamarkaana doonaya in uu gaadhsiiyo sanadkii 1000 sida laga soo xigtay website-ka Machadka Lake Tana.

Hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya waxa uu bishii dhammaatay heshiisyo dhanka dekedaha ah la gaadhay Sudan oo saami ka siinaysa dekedda Port Sudan, Jabuuti oo saami ka siinaysa dekedaheeda iyo Kenya oo dhul ka siinaysa dekedda Lamu.

Hore waxay Itoobiya Saami 19% ah ugu lahayd dekedda Berbera ee Somaliland waxaanay qorshaysay in ay adeegyadeeda dhoofinta iyo wax soo dejinta 30% u isticmaasho dekedda Berbera, halka ay 10% u qorshaysay Port Sudan lana filayo in inta kale ay isticmaasho dekedda Jabuuti sida ay dhawaan baahisay warbaahinta Itoobiya oo bookhday dekedda Berbera.

Damaca cusub ee Itoobiya ku raadinayso cudud ciidan oo dhanka badda ah ayaan la ogayn halka uu ku jahaysan yahay waxaanay hore Somaliland u marti gelisay saldhigga Berbera uu ku leeyahay waddanka Imaaraadka Carabtu.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews