Daawo Muuqalka”Masuuliyiin Uhadlay Maamulka Puntland Oo Dawlada Somaliya Ku Eedeyey Inay La Safatey Somaliland
June 5, 2018 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Gudiga difaaca dowladda Puntland oo warbaahinta kula
hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen lacag dhan 1 million oo dollar oo dowladda Soomaaliya ugu deeqday dadka duufaantu saamaysay ee kunool Soomaaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xirsi Tima-cadde iyo afhayeenka madaxtooyada Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel ayaa soo dhoweeyey lacagtaasi in loogu deeqo dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan haseyeeshee waxa ay tilmaameen inay habboonayd in loo marsiiyo culimada iyo hayaddaha Khayriga ah si aan loogaga faa’iidaysan arrimo siyaasadeed.