Soomaaliya: Al-shabaab Oo La Sheegay Inay Dileen Lix Ruux Oo Ganacsato Ah, Gubeena 11 Gaadhi
June 5, 2018 - Written by Berbera Today
Bakool(Berberatoday.com)-Warar ka imanaya Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Kooxda Al-shabaab ay toogasho ku dileen Lix ruux oo ganacsatado ah iyaga oo dhinaca kalena gubay 11 gaadiid xamuul ah oo ka anbabaxay magalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Gaadiidkan oo markii hore ka anbabaxay Magaalada Beledweyne iyaga oo ganacsi kala duwan geeyay degmada Xudur, hase ahaatee markii ay dib uga soo laabteen xoogagga ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen weerar dhabo-gal ah xili ay marayeen inta u dhaxeysa Xudur iyo deegaanka Qudhac Joome.