berberatoday.com
Hooyo Somaliyeed Oo Lacag Magdhaw Ah Ka Helay Dowladda Australia Iyo Sababta Lagu Siiyay”Akhriso
June 6, 2018 - Written by Berbera Today

Australia (Ilays-News):- Dalka Australia Hooyo Soomaali ah ayaa heshay lacag dhan $23,000 oo Doollarka Mareykanka ah taas oo loo siiyay magdhaw ahaan kaddib markii ay waxyeello dhinaca maskaxda ah ka soo gaadhtay dil sanadkii 2015-kii loo geystay wiil ay iyada dhashay .

Cabdullahi Maxamed Cigaal 00 25 jir ahaa ayaa waxaa dilay C/Qaadir Faarax, waxaana labada Wiil ay sheegeen Booliska in ay saaxiibo ahaayeen kuwaas oo adeegsan jiray maandooriyaha.

 

 

Cigaal ayaa Lafahiisa laga helay goob Ciyaaraha lagu ciyaaro oo ku taalla Magaalada Mirrabooka ,waxaana halkaas ku aasay C/Qaadir Faarax oo dilay Cigaal.

Cigaal hooyadii oo lagu magacaabo Ruun Axmed Cawad, ayey Boolusku sheegeen in ay wax yeello dhinaca dhomirka ah soo gaadhay kaddib markii saddex bil kaddib la helay Lafaha wiilkeeda oo la la’aa muddo bilo ah,waxaana dhaawacyada dhinaca maskaxda ah darteed loo siiyay lacagtaas.

C/Qaadir Faarax ayaa la xaqiijiyay in uu soo galay Dalka Soomaaliya kana baxsaday Booliska Australia oo jaray warqaddii lagu soo xidhi lahaa.

Madaxa laanta Dambi baadhista Perth ee uu falkan ka dhacay Helen Porter,ayaa sheegay in C/Qaadir uu u baxsaday Soomaaliya,Dowladda Australia iyo Soomaaliyana uusan ka dhaxeyn heshiis isu celinta dambiilayaasha ah.

Dilka Cigaal ayaa colaad ka dhex abuuray Soomaalida Magaalaga Perth dhexdeeda sida ay Boolisku sheegeen,waxaana ay shir wadahadal ah u qabteen Odayaasha dhinacyada Soomaalida ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews