Dawladda Sucuudiga Oo Bilowday Inay Dumarka Siiso Liisanka Kaxaynta Gaadiidka
June 6, 2018 - Written by Berbera Today
Jeddah(Berberatoday.com)-Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bilowday in ay siiso haweenka dalkaa ruqsadda darawalnimada, iyadoo markii ugu horeysay haweeney loo ogolaaday in ay kaxeyn karto gaadhii, iyadoo heshay ruqsadda dirawalnimada ama Liisan.
War ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la bilaabay bixinta sharciga dirawalnimada, taasoo ka dhiggan in wixii hadda ka danbeeya haweenka Sacuudigu kaxeyn karaan gaadiidka.
Haweenka la siiyay sharciga dirawalnimada ama Liisanka ayaa ugu horeyn la imtixaamay, ka hor inta aan la siinin Ruqsadda darawalnimada.