Madaxweyne Donald Trump Oo Xalay Muslimiinta Afur U Sameeyey
June 7, 2018 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Maraykanka D. Trump ayaa habeenkii xalay ahaa Aqalka Cad afur ugu sameeyey diblomaasiyiin ka socda qaar ka mid ah safaaradaha dalalka Islaamka.
Danjirayaal 50 kor u dhaafaya ayaa afurka qeyb ka ahaa.
Warbaahinta ayaa sheegtay in xafladda sanadkan aan loo joogin sida kuwii sanadihii hore, iyada oo hogaamiyeyaal Muslimiinta Maraykanka ka tirsan oo lagu marti qaadi jiray ayna sanadkan ka soo qeyb galin.