Madaxweyne Trump Oo Cafis U Fidiyey Haweeney 22 Sano Xidhnayd Iyo Danbi Loo Haystay
June 7, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Haweeney u dhalatay Maraykanka oo la xidhay sanadkii 1996 taas oo loohaystay dambi la xidhiidha daroogo ayaa jeelka laga sii daayey kadib markii uu cafis u fidiyey madaxweyne Trump.

Muuqaal ay baahiyeen TV-yadu ayaa muujiyey haweenaydaan oo la kulmaysa xubno kamid ah qoyskeeda kadib markii ay kasoo baxday xabsi kuyaal gobolka Alabama.