Golaha Amaanka Oo Warbixin Ka Soo Saaray Colaada Tuka-raq Iyo Xaalada Bani-aadaminimo Ee Soomaaliya
June 9, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi uu shalay yeeshay lagaga hadlay colaadda ka aloosan degmada Tukaraq ee gobolka Sool, halkaas oo Somaliland iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya isku hor fadhiyaan kadib dhawr dagaal oo ka dhex dhacay sanadkan.

Golaha ammaanka oo laga akhriyay bayaan uu soo saaray hoggaanka goluhu waxay dhammaan dalalka xubnaha ka ah isku raaceen in degdeg loo joojiyo colaadda Tukaraq, islamarkaana ciidamada la kala qaado.