Raysal Wasaraha Itoobiya Oo Booqasho Ku Tegay Dalka Masar Iyo Kulan Uu La Qaadanayo Madaxayne Al Sisi Uu La Qaatay
June 10, 2018 - Written by Berbera Today
Masar(Berberatoday.com)-Ra’isul-wasaare Abi Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay xalay booqasho 2 maalmood ku tageen dalka Masar, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Qaahira, ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Msaar, C/Fataah Al-sisi.

Afhayeenka Madaxtooyadda Masar, Basaam Raadi ayaa shegay inay Madaxweyne Al-sisi iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia maanta yeelan doonaan Kulan Rasmi ah oo looga hadlayo Xiriirka Labada Waddan, Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ka dhistay Webiga Niil, iyo Walaaca ay ka qabaan Xaalladaha ka taagan dalalka Somalia, South Sudan iyo qaar ka mid ah dalalka Afrika.