Tallaabooyin Kaa Caawinaya In Aad Hesho Jidka Aad U Marayso Guusha Uu Qof Kastaa Majeeranayo
June 11, 2018 - Written by Berbera Today

HargeysaBerberatoday.com)-Jenifer Hayman waxa ay maamule ka tahay mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya nashqaddha dharka iyo muriyadaha iyo walxaha la isku qurxiyo. Waxa ay dhowaan ka sheekeysay qodobbo ay u aragto in ay jid u noqon karaan guul uu qofku ka gaadho shaqadiisa. Haweenayda qoraaga ah ee Katie Warren, ayaa dhowaan wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa ay ku qortay maqaal ay ku soo bandhigayso qodobbada ay Jenifer u aragto in ay jidka guusha nooqn karaan. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah jidadkaas Jenifer Hayman ay sheegtay in guusha lagu gaadhi karo.