Taliye Fadal Oo Digniin Iyo Hanjabaad U Diray Dhallinyarada Bacadlayaasha Ee Haweenka Faraqa Qabsada
June 11, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliyaha ciidamada booliska Somaliland sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa soo kormeeray xalay suuqa ganacsiga ee Hargeysa ee Waaheen kaas oo aad u mashquulsanaa isla markaasna ay ka hawl galayeen ciidamo boolis ah oo aad u badan kuwaas oo sugaayay amniga suuqa, waxaanu digniin iyo hanjabaad u diray dhallinyarada bacadlayaasha ah ee dumarka qab-qabsada markay dhex marayaan.
