Doonyaha Tahriibayaasha Qaada Oo Lagu Arkay Xeebta Magaalada Magaalada Maydh
June 12, 2018 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Labo ka mid ah Laashashka Tahriibayaasha qaada ayaa waxay ku soo xidhteen xeebta magaalada Maydh ee woqooyiga gobolka Sanaag.
Laashashkan ayaa markii ay halkaas soo gaadheen waxa inay qabtaan isku deyey ciidanka ilaalada xeebaha oo ka war helay haseyeeshee ciidanku kuma guulaysan inay laashashkaas qabtaan, waxayse ciidanku gacanta kusoo dhigeen rag laashashkaas u tegey oo loo filayo inay xidhiddh la lahaayeen laashashkaas iyo baabuur ay wateen iyo weliba mishiin nooca laashashka dheereeya ku socdaan oo sida la sheegayna laashashkaas ay kala soo degeen.