Daawo Muuqalka”Madaxweynayaasha Trump Iyo Madaxweynaha Waqooyiga Kuriya Kim John Un Oo Kulan Taariikhi Ah Yeeshay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen
June 12, 2018 - Written by Berbera Today
Singapore(Berberatoday.Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kulmay dalka Singapore, kaddibna is-gacan qaaday. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee labada hoggaamiye yeesheen.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay Singapore, gaar ahaa jaziirad yar, waxaana wadahadalkooda ay diirada ku saarayaan inay xal ka gaaraan coladda muddo dheer jirtay ee labada dal ka dhaxeysa.