Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo La Sheegay Inuu Isku Shaandhayn Ku Samaynayo Xukuumadiisa Iyo Qaabka La Filayo Inay Udhacdo
June 12, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somalilland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu bishan aynu ku jirno ee June uu isku shaandhayn balaadhan ku sameeyo Xukuumaddiisa.

In kasta oo uu qorshuhu ahaa in May dhamaadkeeda ku sameeyo Isku shaandhayntaasi Xukuumaddiisa, hadana waxa ka soo dhex gashay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo iminka gabogabo maraysa.