Maxkamad Siidaysay Madaxweyne Ku-xigeen Loo Haystay Dambiyo Dagaal
June 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hague(Berberatoday.com)-Maxkamadda Dambiyada Dagaalka ee Adduunka ee loo yaqaanno ICC, ayaa sii daysay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dalka Koongo.
Garsooreyaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC ayaa amar ku bixiyey in xabsiga laga sii daayo Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jean-Pierre Bemba.
Xukunkii hore loogu riday ee ahaa in lagu helay dambiyo dagaal ayaa laga noqday toddobaadkii hore.
Bemba waxa hore loogu xukumay 18 sannadood oo xadhig ah 2016-kii, laakiin waxay garsooreyaashu go’aamiyeen in dambiyada ay ciidamadiisu ku galeen dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe aan isaga masuuliyadooda la saari karin.