berberatoday.com
Dalka Sweden Oo Lagu Qabtay Kulan Lagaga Hadlaayay Sidii Adeegyada Caafimaadka Looga Caawin Lahaa Somaliland Iyo Qodobo Mihiima Oo Kasoo Baxay
June 16, 2018 - Written by Berbera Today

Sweden(Berberatoday.com)-Kulan balaadhan ayaa maantii oo taariikhdu tahay 14/6 waxa uu ka dhacay Gobolka Östergotland ee dalkan Sweden caasimadiisa Linköping kulkaan oo ah mid muddo dheer laga soo shaqaynayey ayaa waxa ku kulamay Madaxda Gobolka xaga caafimaadka iyo masuuliyiin ka socday Somaliland, waxa halkaas aad loogu lafa guray sidii dawlada Somaliland looga caawin lahaa xaga caafimaadka,
Waxa aad loo dersay qorshaha caafimaadka ee Somaliland ee shanta sanno ee soo socota, waxana halkaas laga akhriyey warbixin dheer oo 18 bog ah oo ay soo qortay wasaarada horumarinta caafimaadka taas oo ahayd warbxin dhamays tiran ilaa degmo MCH ilaa Cispitaal waxana aad looga helay sida muga leh ee wasaarada horumarinta caafimaadku arintaas iskaga xil saartay in cid kasta oo doonaysa in ay wax kala qabato arimaha caafimaadka ay ka heli karaan macluumaad buuxa, aadna waa loogu mahadnaqay wasaarada horumarinta caafimaadka oo aan helin dhaqaale buuran sida ay ugu heelan yihiin arimaha caafimaadka.
Kulankaas oo ay kasoo qayb galeen khubaro ku xeel dheer caafimaadka noocyadiisa kala duwan kuna haysta shahaadad PHD oo ay ka mid yihiin Dr. Peter Berggren PHD, Dr Ali Osman PHD, Dr. Ruhija Hodza-Beganivic, Anton Eriksson Biomedicall Engineer, Dr Abby Yusuf , Dr. Ibtisam Yusuf Dr Peter Andersson iyo Ambassador Hussein Wadadyare Madaxa Arimaha Bulshada ahna ku simaha wakiilka Somaliland ee dalkan Sweden.
Kulankaas oo qaatay muddo saddex saacadood ah waxa la isla qaatay laba qodob oo wax weyn ka taraya horumarinta caafimaadka kuwaas oo kala ah.
In kor loo qaado aqoonta dadka ka shaqeeya cudurka macaanka isla markaasna la tababaro dad cusub iyada oo wada shaqayn lala yeelanayo Wasaarada horumarinta caafimaadka iyo Jaamacada Hargeisa qaybteeda caafimaadka.
In la abuuro kuliyada lagu barto hagaajinta qalabka caafimaadka ( Biomedical Colage)taas oo lala shaqayn doono wasaarada horumarinta caafimaadka iyo Jaamacada Hargeisa.
Kulankaas oo ku dhamaaday jawi wanaagsan waxa la isla gartay in Dec-2018 is faham lala soo sameeyo wasaarada horumarinta caafimaadka waxana Ambassador Hussein Wadadyare ugu balan qaaday in wasaarada caafimaadku bixin doonto kharashka Hotelka muddada wafdigu joogo Somaliland, taas oo aad loogu farxay. Waxa sidoo kale Ambassador Hussein u mahadnaqay Dr. Ali Osman oo ah bare sare oo ka dhiga Jaamacada Stockholm oo muddo dheer hawshan kusoo jiray.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews