Farxadii Ciida Awgeed Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Fursad Lagu Salaamo Siiyay Dad Isugu Jira Waayeel,Dhalinyaro,Haween,Dad Naafo Ah Iyo Caruur Ku Gacan Qaaday Madaxtooyada+Daawo Sawirada
June 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Salaaddii Ciidda Soon-fur ee Maanta ka dib, si furan ula kulmay Boqollaal ka mid ah Dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan Caasimadda Dalka ee Hargeysa.
Madaxweynaha oo markii uu Salaadda Ciidda ka soo baxay fadhiistay meel ka mid ah Madaxtooyada oo loogu talo-galay inuu Dadweynaha si furan ugu qaabilo, maaddaama oo Dadweynuhu danaynayaan inay Madaxweynaha Farxadda Ciidda Awgeed ay soo salaamaan.