|
berberatoday.com
Xuruufta Taleefankaaga Gacanta Oo Aad Si Fiican U Arki Weydaa Waa Calaamad Sheegaysa Xanuun Indhaha Ah
June 17, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dr. George Eckert oo ah dhakhtar ku takhasusay caafimaadka indhaha, ayaa caddeeyey in far-qoraalka aad u yaryar ee muraayadda taleefankaga gacantu ay tahay fursad uu qofku ku ogaan karo caafimaadka indhihiisa, gaar ahaan ku hubin karo in ay indhihiisu qabaan xaaladda caafimaad darro ee ah ‘Caadka’ indhaha fuula, oo sida la ogyahay aragga dila. Sida oo kale xarfaha yaryar ee muraayadda taleefanka gacanta oo aad loo arki waayaa waa calaamad muujin karta in khalkhal ku jiro indhaha.
Dr. George Eckert oo xubin ka ah dallada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka, ayaa sida oo kale caddeeyey in qofka oo akhriyi kari waaya qoraalladan yaryar ee shaashaddu ay tahay digniin fiican oo uu ku garan karo in u isbeddel ku yimi awoodda araggiisa, mar kasta oo uu dareemo in uu araggiisa xarfahaasi sii xumaanayana waxa uu ku garan karaa xawaaraha uu ku socdo hoos u dhaca araggiisu.
Dhakhtarku waxa uu sheegay in qaladka ay dadku inta badan sameeyaan uu yahay in marka ay isku arkaan xaaladdan aanay si fiican u arkayn shaashadda taleefankooda gacanta, markiiba isku qanciyaan in ay muraayadda aragga u baahan yihiin, ama haddii ay haystaan ay tahay in ay beddelaan. Laakiin runtu ay tahay in xaaladdan dawadeedu aanay intaas oo keliya ahayn. Waayo waa calaamad muujinaysa in uu jiro xanuun run ah oo ku dhacay indhaha, araggiisuna uu halis u yahay in uu dhinto. Sidaa awgeed qof kasta oo xaaladdan isku arkaa waa in uu sida ugu dhaqsaha badan dhakhtar ula tashado, si ay u suurtagasho inta xanuunka indhihiisa hayaa cusub yahay in wax laga qabto.
taasina ay khatartiisa sii badinayso. Waxa ay khubaradu sheegeen in beedku marka uu ugu fiican yahay caafimaad ahaan ay tahay marka uu karsan yahay.
Kaydinta beedka
– Iska jir in aad iibsato beed jaban ama dillaac leh, sida oo kale ha iibsan beedka boodhka badani dusha kaga dhacay ama aad dushiisa aad ku aragto wasakh u muuqata bakteeriya.
– Beedka isaga oo bogoskiisa ku jira, ku sii dhex rid tallaagadda, ama ku dhex rid weel weyn oo aad dusha baraf ka saarayso.
– Ka taxaddar muddada aad beedka haysanayso, adiga oo niyadda ku haya in muddada ug ubadan ee beedku aanu ku khaayisin / ku xumaanin ay tahay 28 maalmood, oo ka bilaabanaya taariikhda bogoska lagu soo guray.
– Waxaa muhiim ah in beedka marka la samaynayo aad looga ilaaliyo in milixdu ku badato.
Xasaasiyadda:
Waxaa dhacda in carruurta da’doodu ka yartahay 5 sano ay qaarkood beedka ku xasaasiyadootaan, waana suurtagal in dadka waaweyn laftooda lagu arko xasaasiyaddaas, in kasta oo ay iyaga toodu dhif tahay.
Xasaasiyadda beedka ka dhalataa ma’ sii dhibaato badna waa aana inta badan lagu gartaa: Afkaca oo casaan iyo barar lagu arko, Calool xanuun, matag iyo shuban
COMMENTS
|