Ciidammada Booliska Gobolka Togdheer Oo Xabsiga U Taxaabay Qaar Ka Mid Ah Ganacstada Magaalada Burco Iyo Sababta Loo Xidhay
June 17, 2018 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-Ciidammada booliska Gobolka Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ganacstada magaalada Burco gaar ahaa mulkiileyaasha makhaayadaha lagu iibiya cunto Soomaalida.
Sababta lagu xidh-xidhay ganacstada ayaa lagu sheegay inay kordhiyeen qiimaha lagu iibiyo shaaha.
Koob shaaha ayaa waxa magaalada Burco laga siin jiray 1000 (kun shillin) oo lacagta Somaliland ah, iyada oo uu dhawrkii maalmood ee u dambeeyay u noqday qiimaha koobka shaahi ahi 1500 (kun iyo shan boqol) oo lacagta Somaliland ah.