Cajiib: Nin Lugeeyay In Ka Badan Kun (1000) Kilo Mitar Si Uu Ula Kulmo Ra’iisul Wasaaraha Dalkiisa
June 18, 2018 - Written by Berbera Today
New Delhi(Berberatoday.com)-Nin u dhashay dalka Hindiya ayaa lugeeyay ilaa 1,350 killomitar sii u xusuusiyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi inuu dhaqan geliyo ballanqaad uu sameeyay xilligii doorashada.
Muktikant Biswal ayaa socod ka billaabay Gobolka bariga ku yaalla ee Orissa wuxuuna lugu ku tagey waqooyiga caasimadda Delhi.
Ninkan ayaa lagu daweeyay isbitaal ku yaalla magaalada Agra oo 218 kilomitar uu jirtay halkii uu uu socday.
