“Nimankaas Puntland Iyo Somaliya Waynu Is Haynaa, Haddii Ay Ina Dayn Waayaana Cir Iyo Dhulba Waynu Kala Dagaalami Doonaa”Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin
June 20, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, ayaa Puntland iyo Somaliya uga digay daan-daansiga iyo dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee ay wadaan, waxaanu tilmaamay in aanay sinaba Somaliland waxba uga qaadayan, wax kasta oo la yimaadana ay Somaliland diyaar u tahay.
