“Annagu Wax Heshiis Ah Lamaanu Gelin Itoobiya ..” Raysal Wasaaraha Dawlada Xamar Xasan Cali Khayre
June 21, 2018 - Written by Berbera Today
Oslo(Berberatoday.com)-Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo magaalada Oslo kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galeen.

Kheyre ayaa sheegay in ay jiraan sida dad ka soo horjeeda in ay dowladnimada oo wax walbana siyaasadeeya, waxaana uu intaa ku daray in aysan jirin Dekaddo la siiyay Itoobiya, balse dekedaha ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.