Dawladda Somaliland Oo Aan Ka Qayb Geli Doonin Shirka Brussles Loogu Qabanayo Somalida Bisha July Dhaqaalena Loogu Ururinayo
June 22, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland ayaa qaadacday inay ka qayb gasho shir la filayay inuu bishan 26 June-28 ka furmo magaalada Brussless ee wadanka Beljamka, kaas oo ku saabsan Soomaalida oo loogu qoondaynayay dhaqaale ay deeq bixiyayaashu ku yabooheen.
Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Somaliland lagu soo martiqaaday shirkaas, laakiin ay dawladda Somaliland go’aansatay inaanay ka qayb gelin shirkaas. Shirka ayaa la sheegay inuu dib u dhac ku yimid, waxaana la qorsheeyay inuu qabsoomo 16 Julay-17.
Lama hayo faahfaahin ku saabsan sababta ay xukuumadda Somaliland u qaadacday ka qayb galka shirkaas. Laakiin xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa sidan oo kale diiday inay ka qayb gasho shir noocan oo kale ahaa oo dhaqaale loogu ururinayay Soomaalida oo sannadkii 2014 lagu qabtay dalka Denmark.