War Deg Deg Ah”Qarax Xoogan Oo Iminka Ka Dhacay Addis Ababa Iyo Raysal Wasaaraha Oo Goobta Ku Sugnaa + Waa Sidee Xaalkiisu
June 23, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Qarax ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay meel u dhow goob uu ku sugnaa Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed, halkaas oo uu kula hadlayay dadweyne aad u farobadan oo isugu soo baxay si ay u taageeraan qorshayaashii isbadalka.
Warbaahinta Itoobiya iyo Ra’isulwasaaraha laftiisa ayaa xaqiijiyay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca dad kala duwan.